Sida Loo Barbaariyo Caruur Akhlaaq Wanaagsan Leh
Barbaarinta caruurta waa mas’uuliyad weyn oo saaran waalid kasta. Marka hore caruurtu waa ammaano Eebbe ina siiyay, waxaa laga rabaa waalidka in uu ku dadaalo sidii uu u soo saari lahaa ubad akhlaaq wanaagsan leh, caqli furan, qalbi nadiif ah leh. Intaa waxaa dheer akhlaaqdu waa saldhigga shakhsiyadda ilmaha waana waxa go’aamiya mustaqbalkiisa.
Maanta dunidu si xowli ah ayay isu badalaysaa. Tiknoolajiyadda, internet-ka, iyo saaxiibbada deegaanka ayaa si weyn u saameeya caruurta. sidaas darteed, waalidku wuxuu u baahan yahay hagitaan cad oo ku saabsan Sida Loo Barbaariyo Carruur Akhlaaq Wanaagsan Leh si waafaqsan qiyamka islaamka iyo baahida casriga.
Muhiimadda Akhlaaqda Wanaagsan Ee Caruurta
Akhlaaqdu waa tiirka ugu weyn ee qofnimada. Ilmo leh akhlaaq wanaagsan:
- wuxuu noqdaa qof la jecel yahay.
- wuxuu ixtiraamaa waalidkiisa iyo dadka kale.
- wuxuu yeeshaa mas’uuliyad iyo kalsooni.
- wuxuu ku guuleystaa nolosha adduun iyo tan aakhiro.
Rasuulka ﷺ wuxuu yiri: “Waxaa la ii soo diray inaan dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan.” Tani waxay muujinaysaa in akhlaaqdu tahay udub dhexaadka tarbiyada islaamka.
Noqo Tusaale Wanaagsan
Caruurtu wax badan kama bartaan hadalka, balse waxay ka bartaan ficilka. Hadii uu waalidku doonaayo caruur edeb leh, waa in uu isagu noqdaa mid edeb leh.
- Haddii aad rabto in ilmuhu run sheego, adiguna run sheeg.
- Haddii aad rabto inuu ixtiraamo dadka kale, adiguna ixtiraam muuji.
- Haddii aad rabto in ilnuhu yeesho dulqaad, adiguna dulqaad muuji.
Caruurtu waa muraayad ka turjumaysa dhaqanka waalidka.
Ku Barbaari Ilmaha Qiyamka Islaamka
Barbaarinta caruur akhlaaq wanaagsan leh waxay ku dhisan tahay diin, sidee darteed bar ilmaha inta uu yaryahay:
- Salaadda iyo ducada.
- Akhlaaqda wanaagsan sida runta, samirka, iyo cafiska.
- Ka fogaansha beenta iyo xumaanta.
marka tarbiyada lagu saleeyo qur’aanka iyo sunnaha, ilmaha wuxuu yeeshaa saldhig adag oo noloshiisa hagi doona.
Adeegso Hadal Jilicsan Iyo Wacyigalin
ku qaylinta iyo ciqaabta adag ee ilamaha mararka qaar waxay keeni kartaa cabsi xad dhaaf ah iyo in ilmuhu kalsoonida ka lunto, halkii aad ku qaylin lahayd waxaa haboon:
- In si degan loola hadlo.
- In loo sharaxo sababta khaladku u khaldan yahay.
- In la dhiirigeliyo marka uu wax fiican sameeyo ama xitaa isku day la yimaado.
Hadalka wanaagsan wuxuu dhisaa kalsooni, wuxuuna kobciyaa xiriirka waalidka iyo ilamaha.
Bar Mas’uuliyadda iyo Shaqooyinka Guriga
Ilmaha waa in la baraa mas’uuliyad yaraantiisa. tusaale ahaan:
- In uu sariirtiisa hagaajiyo.
- In uu alaabtiisa isku habeeyo.
- In uu ka qeyn qaato howlaha fudud ee guriga.
Tani waxay dhisaysaa kalsoonida, edebta, iyo dareenka mas’uuliyadda
Ka Fogow Isbar-Bardhigga Caruurta
Mid ka mid ah khalaadka ugu badan ee waalidiintu galaan waa in ay caruurta isbar-bardhigaan. tusaale ahaan: “Walaalkaa wuu kaa fiican yahay.”
Arrintani waxay dhaawacdaa kalsoonida ilmaha, waxayna abuuri kartaa xasad iyo nacayb. Ilma kasta wuxuu leeyahay hibadiisa iyo kartidiisa kaarka ah, sidaa darteed hala barbardhigin cid kale.
Ku dhiirigali ilamaha inuu noqdo nooca ugu fiican ee naftiisa
Samee Waqti Gaar ah oo aad Caruurtaada La Qaadato
Caruurtu waxay u baahan yihiin jacayl iyo fiiro gaar ah. Haddii waalidku mashquul noqdo oo waqti u waayo ilamaha, ilmuhu wuxuu raadsan karaa meel kale oo uu ka helo dareenkaas.
- La hadal maalin kasta.
- Dhagayso dareenkiisa.
- La ciyaar mararka qaar.
- U muuji jacayl iyo kalgacan
Jacaylka iyo xiriirka wanaagsan ayaa ah furaha tarbiya guulaysata.
Abaalmarinta iyo Dhiirrigelinta
Marka ilmuhu sameeyo wax wanaagsan abaalmari, sida haddii imtixaanka kaalin fiican galo iyo wixii la mida. Abaalmarintu ma aha in ay noqoto had iyo jeer hadiyad qaali ah; mararka qaar kalmad dhiirrigelin ah ayaa ku filan.
Tusaale: “waan ku faraxsanahay sida aad walaalkaau caawisay.”
Tani waxay ku dhiirrigalinaysaa in uu sii wado akhlaaqda wanaagsan.
Bar Dulqaadka Iyo Xakamaynta Carada
Caruurtu mararka qaar way xanaaqaan ama ku degdegaan go’aan qaadasho. waalidku waa inuu baraa:
- Sida la isu dejiyo marka la xanaaqo.
- Sida loo cafiya.
- Sida dhibaatada loo xaliyo si nabad ah.
Dulqaadku waa sifo qiimo leh oo ka caawisa ilmuhu in uu noqdo qof bisil mustaqbalka.
Ku Dadaal in aad U Ducayso Ilamha
Ugu danbayn tarbiyada caruurta kuma eka dadaal bani’aadam oo kaliya. waa in waalidka ku dadaalaa ducada iyo tawakalka alle.
Ducada waalidka waa mid la aqbalo. Mar kasta ugu ducee ilmaha:
- In uu noqdo qof akhlaaq wanaagsan leh.
- In uu noqdo mid diintiisa ku toosan.
- In uu noqdo mid faa’iido u leh bulshada.
Allaah ayaa ah kan hanuuniya qalbiyada.
Guntii iyo Gabagabdii
sida loo barbaariyo carruur akhlaaq wanaagsan leh waa su’aal muhiim u ah waalid kasta. Tarbiyada saxda ah waxay u baahan tahay dulqaad, tusaale wanaagsan, wacyigelin, jacayl, iyo ku xirnaanta diinta iiyo qiyamka wanaagsan.
Carruurta maanta waa hogaamiyeyaasha barri. Haddii aan rabno bulsho wanaagsan, waa in aan ka bilownaa guriga. Waalid kasta ha ogaado in ficilkiisa iyo hadalkiisu saamayn toos ah ku leeyihiin mustaqbalka ubadkiisa.
Ku dadaal inaad noqoto waalid hagaya, ma aha waalid amar bixiyo oo kaliya. Markaad isku darto jacayl, akhlaaq, iyo diin, waxaad heli doontaa carruur leh shakhsiyad adag iyo mustaqbal ifaya.
Waxbarasho tayo Sara leh