Muhiimadda Wakhtiga | Furaha Guusha Nolosha
Waqtigu waa nimco qaali ah oo Alle (SWC) si siman u siiyay dhamman aadamaha, balse dadka ayaa ku kala duwan sida ay uga faa’iidaystaan. Qaar ayaa waqtigooda u adeegsada wax faa’iido leh oo noloshooda horumarinaya, halka qaar kale ay ku lumiyaan wax aan macno lahayn. Muhiimadda Wakhtiga maha wax la iska dhayalsan karo, waayo waa nimco aan mar kale soo laabanayn. Mar waqtigii baxaa waligiis dib uma soo noqda.
Wakhtigu Waa Raasamaal Nololeed
Raasamaalka ugu weyn ee qofku haysta ma aha lacag, hanti ama awood, balse waa waqtiga. Lacag waa la heli karaa mar kale, hanti waa la kasban karaa, laakiin daqiiqad waqtiga ka mid ah haddii ay tagto lama soo celin karo. Sidee darteed qofka guulaysta waa kan garanaya qiimaha waqtiga, una adeegsada si xikmad leh.
Dadka guuleystay ee taariikhda soo maray, sida culimada, ganacsatada iyo hal-abuurayaasha, waxa ay wadaagaan hal sifo oo muhiim ah: waqtigooda ayay si qorsheysan u maareeyeen.
Muhiimadda Waqtiga Ee Diinta Islaamka
Diinta islaamka waxay si weyn u muujisay qiimaha waqtiga. Allle (SWC) Qur’aanka kariimka waxuu ku dhaartay waqtiyo kala duwan sida: wal-casri, wal-fajri iyo kuwo kale oo badan. Tani waxay caddeynaysaa in waqtigu yahay arrin aad u weyn oo mudan in lagu dhaarto.
Nabigeenna (NNKH) wuxuu yiri: “Laba nimco ayaa jira oo dad badani ku kadsoon yihiin: caafimaadka iyo waqtiga faraaqada.” [bukhaari ayaa wariyay]
Xadiiskan waxuu si cad u tilmaamayaa in waqtiga la dayaco uu keeni karo khasaara adduun iyo mid aakhira labadaba.
sidoo kale akhri:
7 caado oo ay lee yhiin dadka guulaysta
Muhiimadda Wakhtiga Iyo Guusha Nolosha
Guusha qofka kuma timaado nasiib oo kaliya, balse waxay ka timaada siduu waqtigiisa u adeegsado. Ardayga waqtigiisa waxbarasho si joogta ah u maareeya wuu ka guul badan yahay kan xilliga imtixaanka kaliya wax akhriya, ganacsadaha qorsheeya waqtigiisa wuu ka hormaraa kan aan lahayn nidaam cad.
Qofka waqtigiisa ilaaliya:
- Wuxuu helaa horumar joogta ah.
- Waxaa ka yaraada walbahaarka.
- Wuuxu yeeshaa yoolal cad.
- Wuxuu gaaraa guulo waaweyn.
Sababaha Dad Badan U Lumiyaan Waqtigooda
Inkastoo waqtigu muhiim yahay, haddana dad badan ayaa si fudud u lumiya. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
- Qorshe la’aan.
- Caajiska iyo dib u dhigashada.
- Isticmaalka xad-dhafka ah ee baraha bulshada.
- La socodka wax aan faaiido lahayn
Qofka aan ogeyn halka waqtigiisu ku baxayo, mar walba waxuu dareema in noloshu ka sii siibanayso.
Sidee Loo Maareeyaa Waqtiga Si Wanaagsan
Si aan uga faa’iidaysato waqtigaaga, waxaad u baahan tahay xeelado cadcad, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1. Qorshee Maalintaada:
Subax walba samee liis howled (to do list) oo kuu sheegaya waxa mudnaanta leh.
2. Kala Hormari Shaqooyinka:
Ha isku mashquulin waxyaabaha yaryar adigoo iska indha tiraya kuwa muhiimka ah. Haddey isku kaa qabtaan laba howlood hormari midda mudnaata leh.
3. Yaree Waxyaabaha Waqtiga Lumiya:
Xaddid isticmaalka taleefanka iyo baraha bulshada, ka fagow asxaabta xun xun iyo kuwa waqtiga ku dila waxyaabaha aan faaiidada lahayn
4. muhiimadda Wakhtiga Firaaqada:
muhiimadda Wakhtiga firaaqada waxaa jira wakhtiya badan oo ku soo mara oo aad uga faa’iidaysan karto wax akhriska, xirfad barasho ama cibaado.
Waqtigu Waa Masuuliyad
Waqtigu waa ammaano Alle ku saaray, maalin maalmaha ka mid ah qof walba waa la weydiin doonaa siduu waqtigiisa u adeegsaday. Sidaas darteed, waa inuu qofku is weybdiiyo: “Maanta waqtigeyga sideen u isticmaalay?”
Qofka waqtigiisa qiimeeya, naftiisana xakameeya wuxuu dhistaa mustaqbal ifaya.
Gunaanad
Gabagabdii muhiimadda wakhtiga lama koobi karo. Waa furaha guusha, hormarka iyo nolosha macnah leh. Qof kasta oo doonaya in uu guulaysta waa inuu marka hore bartaa sida loo ixtiraamo waqtiga . Ha sugin barri, waayo barri ma hubtid. Ka bilow maanta, ka faaiidayso daqiiqda kasta, noloshaaduna way is beddeli doontaa.
4 Comments