Noloshu Waa Imtixaan! Sidee Looga Gudbaa Si Guul Leh
Hordhac
Noloshu waa imtixaan joogta ah, qof walba waxuu la kulmaa waqtiyo adag, imtixaanno kala duwan, iyo duruufo mararka qaar niyad jabiya. Mararka qaar waa imtixaan dhaqaae, marna waa mid caafimaad, qoys, ama mid la xiriira imaanka iyo akhlaaqda. Islaamka wuxuu ina barayaa in noloshu tahay imtixaan, ayna jirta ujeeddo ka danbeysa waxa inagu dhacaya.
Qormadeena maanta waxaan si qoto dheer uga hadli doonaa macnaha ah noloshu waa imtixaan, sababta imtixaanada loo maraayo, iyo sida looga gudbo si guul leh, anagoo kaashan doona sabarka, tawakalka, iyo fahamka saxda ah.
Waa Maxay Macnaha “Noloshu Waa Imtixaan”?
Marka la yiraahdo noloshu waa imtixaan, micnaheedu waa in qofka la tijaabiyo:
- Iimaankiisa
- Akhlaaqdiisa
- Sabirkiisa
- Shukrintiisa
- Go’aamadiisa
- Iyo sida uu ula dhaqmo dadka
Ilaahay (SWT) wuxuu Qur’aanka ku sheegay in dadka lagu imtixaami doono kheyr iyo shar labadaba. Imtixaanku ma aha kaliya musiibooyinka, balse nimcada xitaa waa imtixaan mararka qaar ka adag musiibada.
Sababta Imtixaanada Nolosha Loo Marayo
- In Lagu Kala Saaro Dadka
Imtixanku wuxuu muujinaya qofka sabra iyo kan degdega, kan Alle ku kalsoonaada iyo kan quusta. Qof walba wuu sheegan karaa iimaan, balse waxaa lakala baxaa marka imtixaanku yimaado.
- In Iimaanka Lagu Kordhiyo
Marka aad dhibta la kulanto haddii aad Alle u noqoto, duceysato, sabarkana laasimto, iimaankaaga wuu sii xoogaysanayaa. Imtixaankuna wuxuu noqdaa dariiq aad Alle ugu dhawaato.
- In Danbiyada Lagu Dhaafo
Dhibaatooyinka iyo xanuunada waxay noqdaan kafaaro danbiyada lagu dhaafo, qofkana darajooyinkiisa kor loogu qaado.
Noocyada Imtixaanka Nolosha
Imtixaanka Xagga Sharka (Dhibaatooyinka)
U jeedada imtixaanka kan waa in la fiiriyo sabirka qofka iyo iimaankiisa intuu gaarsiisan yahay, waxaana ka mid ah:
- Hoos u dhac nafta iyo maalka: sida geerida ehelka qof aad jeshahay oo aad wayso ama cidhiidhi dhaqaale oo kula soo darsa.
- Cudur iyo dhibaatooyin jireed: sida xanuunna daba-dheeraada ama in aad wayso qaar ka mida ah xubnaha jirkaada.
- Cabsi iyo gaajo: kuwaas oo taabanaya dareenka ammaanka iyo baahiyaha asaasiga.
- Imtixaanka diinta: kan ugu adag noocyada imtixaanada oo dhan, waana in qofka lagu imtixaamo shubahaat iyo fitnooyin qofka ka leexin kara mabaadi’diisa.
Imtixaanka Xagga Wanaagga (Raaxada / Nimcaca)
Waa imtixaan lagu tijaabiyo mahadnaqa iyo qirashada fadliga Eebbe, waxuuna ka koobnaan karaa:
- Maal iyo carruur: sida uu Eebbe yiri: {Hubaal maalkiinna iyo carruurtiinnu waa imtixaan}.
- Caafimaad iyo mansab: waxaana la eegi sida uu qofku u adeegsado awooddiisa iyo jagadiisa, maku xadgudbi doonaa mise wuu Is-hoosaysiin doona.
- Cilmi iyo aqoon: qofka ma u isticmaali doona si uu dadka wax ugu taro mise wuu isku kibrin doonaa.
Imtixaanka Dadka Kale
Dadka waa la isku imtixami oo kan faqiirka waxaa la eegi miyuu xasdi doonaa midka ilaahay wax siiyay, kan hodanka ahna waxaa la eegi miskiinka wax ma siin doonaa.
Sidee Looga Gudbaa Imtixaanka Nolosha Si Guul Leh
Faham In Wax Walba U Jeeddo Leeyihiin
Marka aad fahamto in wixii kugu dhaca aysan ahayn wax iska yimid, balse ay ka danbeysa xikmad Eebbe ogyahay qalbigaagu wuu degayaa.
Samirka Laasim Xilli Walba
Sabarka ma aha oo kaliya in aad aamusto, balse waa:
- In aad ka fogaatid fal danbe ah.
- In aad ku sii sooctid wanaagga.
- In aan ka raja dhigin xagga rabbi.
Sabarka waa furaha guusha imtixaan kasta.
Talada Oo Alle La Saarto (Tawakalka)
Tawakalka micnihiisu waa in aad aaminta in wax kasta oo kugu dhacaya ay yihiin qaddar Alle, isla markaana aad isku dhiibto doonosta Eebbe, adigoo la imaanaya asbaabtii aad wax kaga qaban lahayd.
Shukhri (Mahadnaqa)
Marka aad ku jirto barwaaqada ama kheyrka, waxaa lagugu tijaabinayaa in aad mahadnaqdo iyo in kale. Sidee darteed ilahay uga mahadnaq wanaagga iyo kheyrka uu ku siiyay oo la imow acmaasha wanaagsan.
Ducada Ha Dayicin
Ducadu waa hubka qofka mu’munka ah qofka imtixaanka ku jira waa inuu:
- Ducada badiya.
- Alle ka baryaa in albaabada kheyrka u furo.
- Yaqiinsada in ducadiisa la aqbali doono.
Mararka qaad jawaabta ducadu waa sabir iyo xoog aad hore u haysan oo aad hesho, midna ogow marna ducadaada dhul ma dayacmayso.
Ka Baro Cashar Imtixaanka
Isweydii:
- Maxaan ka bartay arrintan?
- Maxaa iga khaldamay?
- Sideen u hagaajin karaa mustaqbalka?
Ogow imtixaan kasta wuxuu xanbaarsan yahay cashar qaali ah.
Calaamadaha Qofka Si Guul Leh Uga Gudba Imtixaanka
- Qalbigiisu wuu deggan yahay, inkastoo duruuftu adag tahay.
- Ma quusto, rajo ayuu leeyahay.
- Wuxuu u dhawaada Alle.
- Wuxuu noqdaa qof ka bisil sidii hore.
Guusha dhabta ah ma aha kaliya in dhibku dhamaato, balse waa sidii aad u wajahday.
Khaladaadka Laga Fogaado Xaaladda Imtixaanka
- Cabasho badan iyo quus.
- In Alle lagu eedeeyo qadarka.
- In waqtiga laga sheegto.
- Ka tagista kheyr samaynta.
- In la isbarbar dhigo dadka kale.
- Ka tagista salaada iyo cibaadooyinka
Khaladaadkan waxay imtixaanka ka dhigaan mid ka sii adkaada siduu ahaay markii hore.
Gunaanad
Noloshu dhab ahaantii waa imtixaan joogta ah. Qof walba wuu imtixaan yahay, balse kuma wada guulaystaan si isku mid ah. Kuwa guulaysta waa kuwo fahma xikmada, sabra, Eebbe tala saarta, ducada badiya, kana faa’iidaysta casharada imtixaanka.
Haddii aad maanta ku jirto imtixaan, xusuusnow: imtixaanku waa ku meel gaar, laakiin ajarka iyo casharka ayaa waara.
Mnsha Allah
Masha allah mawduucu qiimo.leh
mahadsanid wll