salaadda maxaa jabiya

Salaadda maxaa Jabiya? Faham dhamaystiran oo ku saaabsan waxyaabaha buriya Salaada

Hordhac

Salaadda waa tiirka labaad ee islaamka, waana cibaada ugu weyn ee Alle ku waajibiyay adoomahiisa ka dib qirashada towxiidka.

Salaaddu waa xiriir toos ah oo ka dhaxeeya addoonka iyo rabbigiisa, waana waajib in loo guto si sax ah, xilligeeda, shuruudaheeda iyo arkaanteeda la dhamaystiro.

Si kastaba ha ahaatee mararka qaar salaadda waxaa gala burin kara ama wax ka dhimi kara, midaas oo keenaysa in salaadaasi noqoto mod aan sax ahayn, sidaa darteed waxaa la gudboon muslim iyo muslimad kasta in uu ogaado waxyaabaha salaadda burin kara si uu uga fagaado.

Waa maxay waxyaabaha salaada jabiya? Shakiga maka mid yahay waxyaabaha salaada jabiya?

Salaada waxaa buriya laba arimood midkood:

  1. In la sameeyo wax xaaran ah inta lagu guda jiro.
  2. Iyo in laga tago wax ay waajib tahay samayntiisa

Waxyaabaha in la sameyo ay xaaraan tahay salaada dhexdeeda:

Cunida iyo Cabida

Fuqahada iyo culimada waxa ay isku waafaqeen qofka cuna ama caba salaada dhexdeeda inay buraysa salaadiisa waajibna ay tahay in uu soo celiyo.

Waxaa soo arooray in uu yiri Ibnul mundir: “Waxay isku waafaqeen Ahlul cilmiga qofka cuna ama cabba isaga oo u qasday in ay waajib tahay in uu soo celiyo salaadda”.

Qofka cuna ama cabba isaga oo jaahil ka ah ama halmaansan salaaddiisu ma burayso sida raajaxa ah, waxaana ku tagay imaamu shaafici iyo imaamu axmed bin xanbal.

Hadal Ka baxsan salaadda ama maslaxadeeda ahayn

Culimada waxay isku waafaqsan yihiin hadalka aan salaada ka midka ahayn in uu buriyonayo, waxayna daliishadeen xadiis uu soo saaray imaamu muslim -Allah ha u naxariisto- Zayd ibnul arqam – Allah haka raalli noqdee- waxuu yiri:

“Waxaan ahayn kuwo ku dhex hadla salaada qofka waxuu la hadli saaxiibkii dhinaca kuhaya isagoo salaada ku jira ilaa ay ka soo degtayوَقُومُوا لِلَّهِ قَانِتِينَ]  ] waxaa nala faray aamusid waxaa nalaga reebay hadal”.

Qofka hadla isagoo halmaansan ama xugumka jaahil ka ah salaadiisu ma burayso. Mucaawiya ibnu Al-xakam Al-aslami waxuu yiri:

Aniga oo la tukanaya rasuul -sallallaahu calayhi wasallam- waxaa hindhisay nin ka mida ragga waxaan iri: yarxamukallah, Dadkii  indhaha ayay igu soo eegeen waxaan iri: hooyadeey waayay maxaad sidaas iigu fiirinaysaan waxay bilaaween in ay gacmaha bowdayaha ku garacaan, markaan arkay in ay i aamusiinayaan ayaan aamusay.

Markuu rasuulka tukaday -صلى الله عليه وسلم-  Hooyaday iyo Aabahay lagu furay maan arag macalin ka horeeyay ama ka danbeeyay oo ka wax baris wanaagsan! Ilaahan ku dhaartee ima Nicin ima garaacim imana caayin, waxaa uu yiri: “Salaadani uma haboona wax hadalka dadka ka mid ah waa uun tasbiix takbiir iyo quraan akhris”.

Dhaq-dhaqaaqa badan oo aan daruuri ahayn

Fuqahadu waxay isku raaceen xarakada ama Dhaq-dhaqaaqa badan inuu salaada burinayo Sida; talaabooyin badan oo la qaado, hase yeeshee dhaqdhaaqyada yaryar sida; Dhaq-dhaqaaqa farta ama xoqidda ma buriyaan.

Imaam Al-Nawawi wuxuu yiri: “Hadii fal aan salaada ka mid ahayn uu bato way buraysaa muran la’aan hadii uu yar yahayna ma buriyo muran la’aan”

Dhaq-Dhaq-dhaqaaqa salaadda dhexdeeda waa shan qeybood

  1. Xaraka waajib ah: waana mida salaada asixideeda ku xiran tahay tusaale ahaan, qof qibaladi ka qaldantay hadii loo sheego jihada qibalada waxa waajib ah inuu u jeesto dhaqaaqna sameeyo.
  2. Dhaq-dhaqaaq aan banaanayn ama muxaram ah: Sida Dhaq-dhaqaaqa badan oo xiriir ah wax daruura ahna aanay keenayn, Dhaq-dhaqaaqaas oo kale salaadda ayuu buriyaa salaadda wixii burinaaya ma banaana.
  3. Dhaq-dhaqaaq mustaxab ama sunna ah: Sida safka oo la saxo, sutrada oo loo dhawaada, safka kaa horeeya oo aad buuxisid.
  4. Dhaqdhaqaaq iska banaan (mubaax ah) : waana Dhaq-dhaqaaqa yar oo baahi keentay ama mid badan oo darura keentay, xarakada yar ee baahida keenta waa sida xanbaarida rasuulka uu xanbaaray  gabadhuu awoowga u ahaa xili uu tukanayay, balse mida badan ee daruurada keenta waa sida salaada xiliga dagaalka.
  5. Dhaq-dhaqaaqa makruuha ah waa wixi inta ka so haray. waxuuna sabab u noqon karaa in xasanaaadkaaga uu nuqsaamiya.

Qosolku Salaada waa buriyaa

Ibnul mundir waxa uu wariyay ijmaac in la isku raacsan yahay in qosolka salaada burinaayo. Imaam Al-Nawawi wuxuu yiri: Tani waxaa lagu xambaari qofka ku hadla laba xaraf. Culimada badankoodu waxay yiraahdeen dhoola cadayntu dhib malihin.

Salaada waxaa buriya in laga tago Rukni / Tiir ama waajib waajibaadkeeda ka mida

Qofkii ka taga rukni ama waajib waajibaadka salaada ka mid ah si ula kac ah cudur daar la’aan salaadiisu way buraysaa. Waxaana dadiil u ah waxay wariyeen imaamu Al-Bukhaari iyo imaamu Al-muslim.

Nabiga “صلى الله عليه وسلم” waxuu ku yiri ninkii reer baadiyaha ahaa “Laabo oo tuko ma aadan tukan” Waajibka hadii laga taga si halmaan ah waxaa lagu kabi laba sujuud sahwi, hase yeeshe rukniga waxaa lagama maar maan ah in lala yimaado sujuud sahwina ma kabi karto.

Sidoo kale salaada waxaa buriya hadii laga tago shardi shuurada salaada ka mida si ula kac ah taasina waa ku ijmaan san yihiin culimada islaamka. Balse qofkii halmaan ama jahli oga taga Jumhuurta culimada  waxay qabaan in la soo celinayo salaadaa.

Shakiga isaga salaada ma buriyo, Saxiixu muslim waxa ku soo arooray Xadiis laga wariyay abii saciid Al-Khadri – Allah haka raalli noqdee- Rasuulka (صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri:

“ Hadii midkiin Salaadiisa ka shakiyo  oo uu garan waayo inta rakcadood ee uu tukaday, saddex ama afar,  ha iska daayo shakiga oo haku dhiso waxa uu hubo ka dibna ha sujuudo laba sujuud inta aanu salaama noqsan”.

Shakiga waxuu ka mid yahay waxyaabaha sujuudu sahwiga keena, balse kama mid aha waxyaabaha salaada buriya.

Wabillaahi towfiiq.

sidoo kale akhri:

Muhiimadda Wakhtiga | Furaha Guusha Nolosha

Sida Ugu Fudud Ee Xifdinta Qur’aanka Lagu gaaro

Similar Posts

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *