xidinta qur'aanka kariimka

Sida Ugu Fudud Ee Xifdinta Qur’aanka Lagu gaaro

Xifdinta qur’aanka kariimka waa sharaf weyn iyo cibaada qiima badan oo uu qofka Muslimka ah ku kasbado ajar iyo martaba sare. Rasuulka (صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri: “Waxoo loo oran doonaa qofka saabibul qur’aanka ah akhri oo kor una akhri si tartiib ah sidii aad dunida ugu akhrin jirtay, darajadaadu waxay joogsan doontaa ayaadda ugu danbaysa ee aad akhrido.” [waxa wariyay tirmidi]

Dad badan ayaa doonaya in ay qur’aanka xifdiyaan, balse waxay la kulmaan caqabado ay ka mid yihiin waqtiga oo yar, hab aan sax ahayn ama hagid iyo dhiirigelin la’aan. Maqaalkan waxa uu si faahfahsan u sharaxayaa sida ugu fudud ee qur’aanka lagu xifdiyo, isagoo ku siinaya talooyin tijaaba ah, nidaam cad, iyo farsamooyin kaa caawinaya inaad si joogta ah oo sahlan u xifdiso.

Ikhlaas iyo Niyad Daacad ah

Tallaabada ugu horreysa ee xifdinta Qur’aanka waa niyad sax ah (ikhlaas). U xifdi quraanka Alle dartii ee ha u xifdin amaanta dadka, niyaddu haddii ay saxmaato Alle wuu kuu fududeynayaa.

Waa inaad u xifdisaa Qur’aanka adigoo u jeedda ka leh raalli-gelinta Alle, ee aan ahayn magac, ammaan, ama tartan dad. Markaas ayuu rabbi kugu arzaaqi sammir dulqaad iyo joogtayn.

Markasta oo aad dareento caajis ama niyad-jab ku celi niyaddada oo xasuuso sababta aad u bilowday.

Samee Jadwal Joogta ah

Mid ka mid ah sababa ugu waaweyn ee xifdinta u adkaado waa Jadwal la’aan. Qur’aanka si fudud looma xifdin karo haddii uusan jirin waqti go’an oo maalinle ah. Nidaami waqtigaaga adiga oo samaynaya Jadwal maalinle ah, hana badalin xilliga aad u doortay inaad Qur’aanka xifdiso. Markasta hakuu cayinaado xilligaas.

Talaabooyin jadwal

  • Dooro waqti maskaxdu deggan tahay ( subax hore ama ka dib salaadda Fajr).
  • Isla waqtigaas ku celi maalinkasta.
  • Xifdi qadar mucayan, tusaale: 10 aayad malintii.

Ogsoonow ma sahlana in la joogteeya marka hore, balse mid sahlan ayay noqon doonta maalma ka dib. Joogteynta yar maalinkasta ka wanaagsan dadaal badan oo goos-goos ah.

U Qoondee Waqti Gaar ah Dib U Eegista (muraajaco)

Mar Haddii aad diyaarsatay jadwal maalinle ah oo aad ku cayimayso saacadaha aad xifdinayso Qur’aanka, waa in aad qeyb ka mid ah waqtigaas oga faaiidaysataa dib u eegista wixii aad horay u xifdisay, si loo xoojiyo xifdintaadii hore, adigoo kordhinaaya ku celcelinta marar badan.

Sidoo kale waxaad qoondeyn kartaa maalin dhan oo u gaar ah dib-ueegista oo kaliya, adigoon xifdin wax cusub maalintaas. Sidaan horay u sheegnay, dib u eegistu waxay si weyn u kordhisaa adkeynta xifdinta, waayo ku celcelinta xog kasta oo aad hore u baratay waa kicinta iyo cusboonaysiinta booskeeda xasuusta.

Hal Musxaf (kitaab) Adeegso

Isticmaalka hal Musxaf oo kaliya waa arrin aad muhiim u ah, indhuhu waxay xasuustaan qaabka bogga, halka aayaddu ku taal, bilowga iyo dhamaadka. Hadii aad mar walba beddesho musxafka maskaxdu way wareeraysaa sidaa darteed:

  • Dooro Musxaf kuu sahlan.
  • Ha beddelin ilaa aad ka dhamaynayso qur’aanka
  • Calaamadso meelaha kugu adkaada ama aad si laaxin ah u baratay.

Ka Faaiidayso Waqtiga Fajarka (Subaxda hore)

Waa in aad si gaar ah uga faaiidaysataa waqtiga fajarka, maxaa yeelaay maskaxdu iyo garaadku waxay ku jiraan xaalad firfircooni buuxda marka qur’aanka la xifddiyo saacadaha hore ee fajarka.

Saacadahani waxay ka mid yihiin waqtiyada ugu fiican uguna waxtarka badan ee gacan ka geysta adkeynta iyo sugidda qur’aanka kariimka.

Intaa waxaa dheer, xifdinta la sameeyo saacadahan waxay ku sii nagaaneysa xusuusta muddo dheer, taasoo la micno ah inay degto xusuusta muddo dheer, sida uu xaqiijiyay Dr Cali ar-rabiici.

Akhris Badan Ka Hor Xifdinta qur’aanka

Ka hor inta aadan bilaawin xifdinta aayadaha si badan u akhri, akhrisku wuxuu dhisaa faham iyo xusuus horudhac ah.

Hab fudud:

  1. Akhri aayadda 5-10 jeer adigoo eegaya kitaabka.
  2. Ku akhri cod dheer si aad u maqashiisa naftaada.
  3. Ka dib isku laab misxafka iskuna day in aad kor ka akhrin karto.
  4. Haduu kugu adkaado markale ku celi adoo kitaabka eegaya 10-15 jeer.

Tani waxay yaraynaysaa qaladaadka waxayna fududeynayaa xifdinta.

Samayso Dhageysi Joogta ah

Dhageysiga Qur’aanka wuxuu si weyn u fududeeyaa xifdinta Qur’aanka, gaar ahaan hadii aad ka dhageysanayso qaari aad jeceshay.

  • Dooro hal qaari oo aad jeceshay codkiisa (tusaale: khaliil Al-xusari, Al-minshaawi, Sheekh C/rashiid Sh Cali Suufi)
  • Dhageyso isla ayaadaha aad rabtid in aad xifdisid.
  • Dhageyso marka aad socoto, nasanayso ama marka aad jiifto.

Dhageysigu wuxuu xoojiyaa xifdint wuxuuna saxaa makhrajka iyo tajwiidka.

Ka Xifdi Oo Ka Qaado Qur’aanka Macallin

Ka xifdinta macallin waa mid ka mid hababka ugu waxtarka badan ee lagu gaaro xifdin sax ah oo joogta ah. Macallinku wuxuu hubiyaa in aayadaha si sax ah loo akhriyo, qaladaadka si degdeg loo saxo, isla markaana ardayga barto tajwiidka iyo makhrajka saxda ah, tani waxay ka hortagtaa in qalad hore ugalo xifdinta, maadaama qaladka la xifddiyo uu adkaan karo in dib loo saxo.

Sidoo kale ka xifdinta qur’aanka macallin waxay keentaa dhiirigelin iyo mas’uuliyad, marka ardaygu ogaado inuu jiro qof sugaya wuxuu dadaa dheeraad ah galiyaa diyaarinta casharkiisa. Macallinku wuxuu arfayga u dajiyaa jadwal ku habboon awoodiisa si uusan u daalin ama u niyad jabin. Haddii aad heli karin macallin toos kuu bara qur’aanka ka Faaiidayso dugsiyada online-ka.

Ducada Ha Ilaawin

Ducada waa furaha fudaydka. Mar walba weydiiso Alle inuu kuu sahlo Qur’aanka. Marka aad Alle gacmaha u taagato adigoo weydiisanayo inuu kuu sahlo xifdinta, kugu anfaco waxa aad baranayso, kaana ilaaliyo halmaan, qalbigaagu wuu xasilayaa, maskaxduna way furmeysaa. Qofka qur’aanka xifdinaya waa inuu mar walba Alle ku xirnaadaa maadaama guusha dhabta ahi ka timaado eebbe kaliya.

Gunaanad

Xifdinta qur’aanka ma ahan arrin adag haddi la helo daacad ah, jadwal joogta ah, hab sax ah iyo talasaarasho Alle. Haku degdegin hana isbarbar dhigin dadka kale, qofkasta xawaarihiisu wuu ka duwan yahay  kan kale. Ku bilow wax yar oo joogta ah kuna kalsoonow in Alle kuu fududeyn doono.

Haddii aad maanta bilowdo hal aayad barina mid kale waqti yar gudaheed waxaad arki doontaa hormar weyn. Qur’aanku waa saaxiibka ugu fiican aduun iyo aakhiraba.

Similar Posts

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *