sifooyinka qofka wanaagsan

Sifooyinka Qofka Wanaagsan.

Hordhac

Qof kasta oo dunidan ku nool wuxuu jecel yahay in lagu tilmaamo “Qof wanaagsan” mana aha wax ku yimaado magac ama hanti, balse waa natiijo ka dhalata ficillada, hadalka iyo sida uu ula dhaqmo dadka kale. Islaamka iyo dhaqanka suuban labaduba waxay si wayn u qiimeeyaan qofka wanaagsan, kaas oo ku caan baxa run, naxariis, daacadnimo, iyo tixgalin uu u hayo dadka kale.

Maqaalkan waxaan si qoto dheer uga hadli doonaa sifooyinka qofka wanaagsan, muhiimadda ay u leeyihiin nolosha shakhsiga iyo tan bulshada, iyo sida qof walba ugu dadaali karo inuu naftiisa ku horumariyo akhlaaq wanaag.

Waa Kuma Qofka Wanaagsan?

Qofka wanaagsan waa mid leh qalbi nadiif ah, ujeeddo sax ah, isla markaana ku dhaqma qiyamka suuban. Waa ku aan dadka ku dhibin hadal ama facil toona, waxuuna ka shaqeeyaa wanaagga bulshadiia, xitaa marka aysan ugu jirin faa’iido toos ah.

Qofka noocaan ah:

  • Wuxuu aad uga taxaddaraa waxa afkiisa ka soo baxaya, wuxuuna si fiican u miisaamaa hadalkiisa.
  • Waa qof go’aan adag, oo falalkiisa si fiican u xakameeyaa.
  • Wuxuu jecel yahay inuu si fiican ula dhaqmo dadka kale, wuuna u naxariista.

Waa Ku Wagan Qaar Ka Mid Ah Sifooyinka Dadka Wanaagsan

Astaamaha ama sifooyinka lagu garta qof wanaagsan way tira badan yihiin, balse waxaan ka soo qaadan doonaa qaar ka mid ah, waxaana ka mid ah kuwan soo socda:

1      Run Sheegidda

Runtu waa in hadalkaaga iyo ficilkaaga is waafaqaan. waana tiirka ugu weyn ee qof wanaagsan lagu garto

Ahmiyadda Runta:

qofka runta sheega waxuu helaa dagenaansho iyo raaxo nafsi ah, waana qof ku kalsoon naftiisa. Bulshadu haddii ay runta isu sheegtana waxay noqdaan ku leh xiriiro wanaagsan, is aamina ila markaana isku kalsoonaada.

Run Sheeguhu:

  • ma been abuurta.
  • ma qariya xaqiiqada si uu dano gaar ah u gaaro.
  • waa mid ka soo baxa ballamihisa.

2       Daacadnimo

Daacadnimadu waa in qofku noqdo mid isku mid ah marka uu keligii yahay iyo marka uu dadka dhex jooga. Qofka daacadda ah:

  • Kama faa’iidaysto kalsoonida dadka
  • Wuxuu si hufan uga jawaabaa mas’uuliyadaha saaran
  • Wuxuu ilaaliyaa amaanada.

3      Naxariis Iyo Raxmad

Naxariistu waa astaanta ugu quruxda badan ee ruuxa wanaagsan. Naxariistu waa rabitaanka wanaagga iyo dhib qof haysta in laga dulqaado. Eebba weyne waa naxariis badane waana u naxariistaa addoomihiisa, naxariistiisuna way ka sareysa wax kasta.

Qof naxariista leh:

  • Wuu u naxariistaa carruurta, dadka da’da ah, iyo kuwa dhibaatooyinka qaba.
  • Ma ku farxo murugada dadka kale.
  • Wuu gacan siinayaa inta dadka dhibtu haysato intii u kari karo.

Naxariistu kaliya ma aha gargaar dhaqaale, balse waa hadal wanaagsan, dhoola cadeyn, iyo garab istaag.

Rasuulsa (nabad galya iyo naxariis korkiisa ha ahaate) waa kii lahaa “U naxariista kuwa dhulka jooga, waxaa idiin naxariisan Allaha samada ku sugan”

4      Samir Iyo Dulqaad

Noloshu waa imtixaan, sidee darteed samirku waa lama huraan. Samirkuna waxaa weeya nafta oo laga reebo in ay argagaxdo ama ay sheegato xilliyada adag, iyo in laga celiyo macaasida, laguna suga dhaacada Rabbi.

Sabarku waa dabeecad weyn iyo fadli uu Alle ku galadaystay addoomihiisa, waana qeyb ka mid ah iimaanka.

Noocyada Sabirka:

  1. In lagu sabro cibaadada Eebbe.
  2. In laga sabro macaasida.
  3. In lagu sabro musiibooyinka iyo imtixaanada.

Qofka wanaaga ku sifaysan:

  • Wuu samraa marka dhibaato timaado.
  • Degdeg ugama carooda wax walba.
  • Wuxuu xakameeyaa naftiisa.

5      Xishood

Xishoodku waa quruxda qofka. Xishoodku waa dareen qofka ka hor istaaga xumaan, qofka xishoodka leh:

  • Kuma faano wax uusan lahayn.
  • Kama hadlo wax ceeb ah.
  • Wuu ixtiraamaa naftiisa dadka kaleba.

Islaamku wuxuu xishoodka ku tilmaamay laan ka mid ah iimaanka.

6      Is-hoosaysiin (Tawaduuc)

Qofka fiican ma is weyneeyo, xitaa hadii uu leeyahay cilmi, handi, ama awood. Is-hoosaysiintu waxay ka dhigtaa qofka:

  • Mid dadka u dhow.
  • Mid la jecel yahay.
  • Mid aan kibir la hayn.
  • Mid garab jilcan oo u naxariista dadka.
  • Mid aan la hayn xasad.

Kibirku wuxuu dumiyaa xiriirada kaala dhaxeeyo dadka, halka is-hoosaysiintu ay dhisto xiriiro wanaagsan.

Rasuula (nabad galya iyo naxariis korkiisa ha ahaate) wuxuu dhahay “Qof ilahay dartii isuma hoosaysiiyo, illaa haddiiba ay dhacdo ilahay wuu sarraysiiyaa”

7      Cafis

Cafisku micnihiisu waa adigoo iska dhaafa danbi amaqalad lagaa galay. cafaisku waa mid ka mid ah dabeecadaha wanaagsan, Eeebe weyn waa uu jecel yahay kuwa dadka cafiya,

Cafisku:

  • Wuxuu nadiifiyaa qalbiga.
  • Wuxuu yareeyaa nacaybka.
  • Wuxuu kordhigaa degenaansha ruuxda.

Cafiska ma aha kaliya in aad illowdid wixii dhacay, balse waa in aad iska deysid culayska qalbiga. Qofka cafiya dadka kale, naftiisa ayuu u naxariistay.

8      Wanaajinta Waalidka (Birrul-Waalidayn)

wanaajinta waalidka (birrul-waalidayn) waa heerka ugu sarreeya ee wanaagga iyo addeecidda ilahay yo rasuulkiisa.

waxay ka kooban tahay:

  • Ixtiraam.
  • Qaddarin.
  • Caawimo dhaqaale iyo mid jireed,
  • Iyo in si edeb leh loola hadlo iyadoo aan cabasho ama ka xanaaqid la muujin.

Birrul-waalidayn waa sabab weyn oo lagu kasbado galitaanka jannada iyo raalli ahaamsha ilaahay subxaanahu wa tacaalaa. waa waajib saaran qofka inta ay nool yihiin waalidku, sidoo kalena wuu sii socdaa ka dib geeridooda, iyada oo loo marayo ducada, bixinta sadaqada, iyo hirgelinta ballan-qaadyadii iyo dardaarannadii ay reebeen.

9      Hadalka Wanaagsan

Hadalka waa muraayada qalbiga. Qof wanaagsan:

  • Ma isticmaalo hadal aflagaaddo ah.
  • Wuxuu doortaa erayo naxariis leh.
  • Wuxuu ka fogaadaa xanta iyo been-abuurka.

Hadal wacan ayaa bogsiin kara qalbi dhaawacmay.

10    Caddaalad

Qof wanaagsan waa mid caadil ah, xitaa marka xaaladu adag tahay. Caddaaladdu waxay ka dhigan tahay:

  • In la siiyo qof kastaa xaqiisa.
  • In aan la sameyn eex iyo kala sooc.
  • In la difaaco qofka la dhacay ama dulmiga kujira.

Muhiimadda Qofku Wanaagsan u Leeyahay Bulshada

Bulsho ay ku badan yihiin Dad wanaagsan

  • Waxay noqotaa mid nabdoon.
  • Waxay yeelataa kalsooni iyo is-ixtiraam.
  • Khilaafaadka iyo colaadaha ayaa yaraanaya.

Hal qof oo wanaagsan waxa uu saameyn togan ku yeelan karaa dad badan.

Sidee Loogu Noqon Karaa Qof Fiican?

Naftaada xisaabi maalin kasta.

  1. Akhrita Qur’aanka iyo Sunnada.
  2. La saaxiib dadka wanaagsan.
  3. Ka fogaaw deegaanada iyo hawlaha xunxun.
  4. Duco iyo Alle tala saarasho.

Sifooyinka Aan Fiicnayn ee Ay Tahay In Laga Fogaado

  • Beenta – Tani waxay dhaawacdaa kalsoonida, iyadoo qofka ka dhigma mid aan la aamini karin.
  • Kibrika iyo isla-weynida – Qofka ayay dadka ka fogeeyaan, qalbigana way adkeeyaan.
  • Xaasidnimo – Ka xumaanshaha wanaagga dadka kale.
  • Xanta iyo af-lagaaddo – Waxay dhaawacdaa sharafta dadka, waana hab-dhaqankan si weyn loo diiday.
  • Khiyaanada  – Amaanada iyo ballamaha oo la jabiya.
  • Munaafaqnimo – Hadal iyo ficil is khilaafsan.
  • Dulmi – Xuquuqda dadka kale oo lagu xadgudbo.
  • Mas’uuliyad-darro – Waajibaadka la iska dayaco.
  • Qalbi-xumaan – Dadka oo si xun loo maleeyo mar walba.
  • Iska Indho-tirid Talada Wanaagsan – Diidmada wax sax ah marka lagula taliyo.

Gunaanad

Qofka wanaagsan ma aha mid sax ah ama dhammaystiran, balse waa qof mar walba isku daya samaynta waxa suuban. Haddii aad ku dadaasho in aad yeelato dabeecadahaas, waxaad horumarineysaa naftaada, qoyskaaga iyo guud ahaan bulshadaada.

Maqaalkan intan ayaan ku soo koobayna, haddii aad wax sixid u baaahan aragtid fadlan noogu reeb qeybta comentska, haddii aad wax uun ka faaiiday lasii wadaag asxaabtaada si ay uga faaiidaystaan mahadsanid. DHAMAAAD

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *