Faa’iidooyinka Salaadda Subax (Fajar)
Hordhac Ku Saabsan Salaadda Subax
Salaadda subax waa salaadda ugu horeysa ee salaadaha shanta ah, waana cibaado leh qiimo gaar ah oo allah subxaanahu wa tacaalaa siiyay, waxaa kale oo lagu magacaabaa salaadul-fajri. Inkasta oo ay tahay salaad gaaban marka la eego rakacaadkeeda, haaddana faaiidooyinkeeda diini, nafsi bulsho, iyo caafimaad aad bay u badan yihiin.
Dad badan ayay ku adagtahay in jiifka ka soo toosaan xilliga fajarka, balse haddii ay fahmi lahaayeen fadliga iyo barakada ku jirta salaadda fajar way iman lahaayeen xittaa iyaga oo garguranaaya.
Waqtigeeda Iyo Waxyaabaha ay Gaarka La Tahay
- Marka hore waa salaad jahriya ah, yacnii qirada kor ayaa loo qaadaa.
- Waqtiga gudashadeedu waa waaberiga ka hor inta aysan qoraxdu soo bixin.
- Waxay leedahay aadan ka duwan salaadaha kale, maxaa yeelay waxaa ku jirta jumladda “الصلاة خير من النوم”
- Sidoo kale waxay leedahay laba aadan oo ka hore yahay sunno waqtigiisuna yahay waaberiga beenta ah, iyo midka labaad oo ah kan salaadda iyo soonkuba lagu dhiso.
Faa’iidooyinka Salaadda Subax
Salaadda subax arinkoodu waa sida waajibaadka kale ee rabbi subxaanahu wa tacaala nagu waajibiyay, waxa ay leedahay faa’iidooyin aduun iyo kuwo aakhiro.
Faa’iidooyinka Aduunyo ee Salaada Subax
Rakcadaha salaada subax waxay xanbaarsan yiiin kheyr badan iyo fadliyo waaweyn, waxaana ka mid ah fadaa’isha ugu muhiimsan ee ay u leedahay aduunka arrimaha soo socda:
- Firfircooni Maskaxeed Iyo Mid Jireed
Salaada fajarka waxay qofka ka dhigtaa mid subaxda hore kaca, taasoo keenta fifircooni maskaxeed iyo mid jireed, qofka jamaacada ku tukadaa maalintiisa wuxuu ku bilowdaa tamar iyo feejignaan.
- Nidaam iyo Anshax Nololeed
Ku dadaalida salaadda fajar waxay qofka baraysaa waqtiga ilaalintiisa, nidaam iyo masuuliyad. Dadka jamaacada joogteeyaga waxay yeeshaan jadwal nololeed oo hagaagsan.
- Degganaansho Nafsiyeed
Xuska ilaahay subaxnimada hore waxay qalbiga galinaysaa xasillooni iyo degganaan. Taasi waxay yaraysaa walbahaarka, walwalka, iyo buuqa maskaxeed.
- Ilaalin Xagga Rabi ah
Gudashada salaada subax waxay ka yeelaysaa qofka muslimka ah mid ku jira ilaalinta rabbi ﷻ, siduu rasuulka ﷺ inoo sheegay: qofka tukadaa salaada subax wuxuu ku sugan yahay dimada ilaahay “من صلى الصبح فهو في ذمة الله”
- Barako Ku Timaadda Waqtiga iyo Shaqada
Qofka fajarka tukadaa wuxuu ka faa’iidaystaa waqtiga subaxa oo ah waqtiga ugu barakada badan. Shaqo, waxbasho iyo howl kasta oo la qabto subaxa hore waxay noqotaa mid miro dhal ah. Maxaa yeelay rasuulka ﷺ ayaa ugu duceeyay in allah u barakeeyo umadiisa aroonta waxuuna yiri “اللهم بارك لأمتى في بكورها”
- Caafimaad Jir Ahaaneed
Kacista subaxa hore, dhaqdhaqaaqa salaada, iyo hurdada nidaamsan waxay si wanaagsan u saameeyaan caafimaadka jirka, sida caafimaadka wadnaha, neefsiga, iyo wareegga dhiigga.
- Xoojinta Rabitaanka iyo Go‘aanka
Qofka ka adkaada hurdada oo u kaca salaada subax wuxuu tababaraa naftiisa. Taasi waxay kordhisaa adkaysiga, go’aanka, iyo awoodda qofku u leeyahay inuu waajaho caqabadaha nolosha.
- Bilow Wanaagsan oo Maalinta ah
Ka dib salaadda fajarka, qofku wuxuu dareemaa in maalintiisa ku bilaabatay cibaado iyo wanaag. Taasoo saameyn toganku yeelata dhammaan hawlaha kale ee maalintaas.
Faa’iidooyinka Aakhiro ee Salaada Subax
Salaada fajar waxay leedahay faa’iiooyin aakhiro oo badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa soo socda:
- Raalli Ahaanshaha Ilaahay (Ridwaan Allaah)
Salaadda fajar waa cibaado culus oo muujinaysa addeecidda iyo daacadnimo. Qofka ku dadaala fajarka wuxuu kasbadaa raalli ahaanshaha ilaahay subxaanahu wa tacaalaa.
- Gelitaanka Jannada
Nabigu ﷺ wuxuu sheegay in qofka ilaaliya labada salaadood ee subaxa iyo casarka uu gelayo jannada. “من صلى البردين دخل الجنة” Taasi waxay muujinaysaa in fajarku yahay furaha guusha aakhiro.
- Nuur Maalinta Qiyaamaha
Qofka si joogta ah u ilaaliya in uu ku tukado salaada fajar jamaacada waxay sabab ugu noqonaysaa in uu helo nuur iyo iftiin taam ah maalinta qiyaama, marka dad badani ku jiri doonaan mugdiyo. Nabiga ﷺ wuxuu yiri u bishaaree kuwa masaalidda aada iyagoo mugdi ku socda (waqtiga mugdiga ah) in ay heli doonaan nuur dhamaystiran maalinta qiyaamaha. “بشر المشائين في الظلم بالنور التام يوم القيامة”
- Ka Badbaadid Munaafaqnimo
Salaadda fajar waa mid ka mid ah salaadaha ugu adag munaafiqiinta iyada iyo cishaha. Qofka ku dadaala jamaacada waxaa laga fogeeyaa astaamaha munaafiqiinta.
Nabiga ﷺ wuxuu yiri: “salaada ugu culus munaafiqiinta waa salaada cishaha iyo salaada subax. Haddii ay ogaan lahaayeen fadliga iyo ajarka ku jira way iman lahaayeen xitaa iyaga oo garguunaya”
- Danbi Dhaaf iyo Darajo Sare
Salaada subax iyo joogteynteedu waxay sabab u noqdaan in danbiyada laguu dhaafo darajooyinkana kor laguugu qaado .
- Waxaad Helaysa Ajarka Salaadda Habeen dhan
Qofka tukada salaada subax waliba jamaaco wuxuu helayaa ajar u dhigma qof habeenka oo dhan qiyaamu layl u taagnaa, marka lagu daro in salaada cishahana uu jamaca ku tukaday. Maxaa yeelay rasuulka ﷺ ayaa inoo sheegay midaas waxa uuna yiti:
“من صلى العشاء في جماعة فكأنما قام نصف الليل ومن صلى الصبح في جماعة فكأنما قام الليل كله ”
Waxyaabaha Ka Caawiya Qofka Inuu U Kaco Salaada Subax
Waxaa jiro asbaabo badan kuwaas oo ka caawiya qofka in uu u kaco salaada subax, waxaana ka mid ah kuwan soo socda:
- Niyad Daacad ah iyo Go’aan Adag
Marka hore qofku waa in qalbigiisa ka soo go’daa isla markaana go’aansadaa in uu u kaco salaada, maadaama niyadda saxda ahi tahay waxa kaliya qofka ku xanbaara in uu kasoo kaca faraashkiisa.
- Ducada Rabbi ﷻ
Ku dadaal ducada, gaar ahaan marka aad seexan rabto, oo weydiiso ilaahay in uu kuu fududeeyo u kicidda salaada subax.
- Seexashada Xilli Hore
Seexashada xilli hore waxay kaa caawinaysaa in aad hesho hurda kugu fulan, isla markaana waxaa kuu sahlalaan doona in aad soo kacdid salaada subax. Ka fogow mashquulka badan ee habeenka sida isticmaalka teleefanka ama daawashada waxyaaba aan daruuri ahayn.
Rasuulka ﷺ wuu necbaa in la seexdo ka hor salaadda cishaha iyo in hadalka iyo sheekaysia la badiyo ka dib cishaha.
- Ka Fogaanshaha Danbiyada
Danbiyadu waxay culays ku noqdaan qalbiga, waxay sabab u yihiin caajiska iyo hurdada badan, daahirinta qalbiga ayaa fududeysa u kicidda salaada.
- La Seexashada Niyadda Cibaadada
Ku seexo adigoo ku tala jira salaad iyo cibaado, kuna seexo dikri iyo duco, oo akhriso adkaarta hurdada ka hor inta aadan seexan.
- Xusiisi Nafta Afarka iyo Fadliga ay Leedahay
Marka aad xusuusato ajarka iyo fadliga weyn ee fajarka qalbigaaga wuxuu helayaa dhiirigelin xoogan oo ku xambaarta u kicidda salaada.
- Kaalmayso Asxaabta ama Ehelka
La saaxiib dadka ku dadaala salaada suxab si ay jamaaca ugu tukudaan, si aad isugu baraarujisaan oo isu xasuusisaan. sidoo kale haddii uu jiro qof qoyskaka ka mid ah oo u kaca subaxa subax ka dalbo in uu adigana kuu kiciyo salaada.
- Cun Cunto Fudud Habeenkii
Ka fagow cunno culus gaar ahaan cishaha wixii ka danbeeya, maxaa yeelay waxay keeni kartaa daal iyo hurdada oo adkaata.
- Isku Day Joogta ah iyo Samir
Xitaa haddii aad mararka qaar seexato, ha quusan ku dadaal mar kasta, samirku waa furaha guusha.
- Ku Xiro Alaarmiyo Teleefanka ama Saacada
U diyaari hurdadaada si nidaamsan, deji alaarmiyo badan dhig meel ka fog sariirta si aad u damin marka uu soo qeyliyo.
gabagabo
Salaadda subax waa furaha guusha aduun iyo aakhiro. waa salaad kooban, balse miisaankeedu aad u culus yahay. Qofka si joogta ah u tukada wuxuu helayaa barako, ilaalin, caafimaad, xasilooni nafsi ah iyo guul nololeed.
Haddii aad rabto nolol deggan, qalbi ifaya iyo mustaqbal barakaysan ku bilow subaxaaga salaadda yayna ku dhaafin jamaacada maalin kasta.
Job’s