Sababaha balaadhiya Rizqiga 10 Arrimood Oo Lagu Leho Barako Nolosha
Rizqigu waa wax kasta oo Alle (SWC) qofka siiyo si uu ugu noolaado dunidan. Waxaa ka mid ah lacagta, caafimaadka, caruurta, aqoonta iyo xitaa farxada qalbiga. Dad badan waxay is weydiiyaan: Sidee ayuu rizqigu u balaadhaa? maxay yihiin sababaha uu Alle ku kordhiyo barakada rizqiga?
Diinta islaamku waxay si cad u tilmaamaysaa in rizqigu aanu ku xirnay oo kaliya dadaalka bani’aadamka, balse ay jiraan sababo ruuxi ah iyo kuwo akhlaaqeed oo ka qeyb qaata in rizqiga la balaadhiyo. Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabiga ﷺ ayaa tilmaamaya ficillo iyo dhaqammo uu qofku sameeyo si uu u helo barako iyo fursado badan oo nolosha.
Maqaalkan waxaan ku sharxi doonaa 10 arrimood oo muhiim ah oo balaadhiya rizqiga, si qof kasta oo muslim ah uu u fahmo sida uu u heli karo nolol barako leh.
1. Taqwada Alle (Alle Ka Cabsiga)
Taqwada waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena balaadhinta rizqiga. Qofka Alle ka cabsada wuxuu ku dadaalaa inuu ka fogaado denbiyada, isla markaana sameeyo wanaag.
Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri:
“Qofkii Alle ka cabsada, wuxuu u yeelaa waddo uu kaga baxo dhib kasta, wuxuuna ka siiyaa rizqi meel aanu filayn.”
Tani waxay muujinaysaa in taqwado ay sabab u tahay in Alle qofka u furo albaabo cusub oo nololeed.
2. Istiqfaarta Badan
Istiqfaartu waa in qofku Alle ka baryo inuu ka cafiyo denbiyadiisa. Waa mid ka mid ah ficillada ugu fudud laakiin leh saameyn weyn oo ku saabsan rizqiga.
Nabi nuux (CS) wuxuu qoomkiisa ku yiri:
“Weydiista rabbigiinna danbi dhaaf, maxaa yeelay waa danbi dhaaf badane. wuxuu idinku soo dejin doonaa roob badan, wuxuuna idin kordhin doonaa maal iyo carruur.”
Rasuulka ﷺ wuxuu yiri:
“Qofka joogteeya istiqfaarta, illahay wuxuu u yeelaa meel uu kaga baxo cidhiidhi kasta, wuxuu ka qaadaa walwal kasta, wuxuuna ka arsaaqaa meel uusan ka filayn.”
Marka qofku badiyo istiqfaarta, Alle wuxuu u furaa barako iyo khayr badan.
3. Sadaqada iyo samafalka
Sadaqadu waa mid ka mid sababaha ugu yaabka badan ee kordhiya rizqiga. Inkasta oo qofku bixiyo lacag, haddana Alle wuxuu ugu badalaa barako iyo rizqi badan.
Nabiga ﷺ wuxuu yiri: “Sadaqadu ma yareyso maal.”
Sidaas darteed qofka sadaqada bixiya wuxuu helaa waasicin dhanka rizqiga iyo barada.
4. Xiriirinta Qaraabada (Silatul Raxim)
Islaamku wuxuu si weyn u qiimeeyaa xiriirinta qaraabda. Qofka ilaaliya xiriirka qoyskiisa iyo ehelkiisa waxaa loo ballan qaaday cimri dheer iyo rizqi badan.
Nabiga ﷺ wuxuu yiri:
“Qofkii jecel in rizqigiisa loo balaadhiyo, cimrigiisa loo kordhiyo, ha xiriiriyo qaraabadiisa.”
Tani waxay muujinaysaa sida akhlaaqda wanaagsan ay u keento barako nololeed.
5. Tawakulka Alle
Tawakulku waa in qofku ku kalsoonaado Alle ﷻ, isagoo isla markaas dadaal samaynaya.
Rasuulku ﷺ wuxuu yiri:
“Haddii aad Alle si dhab ah u talasaarataan, wuxuu idiin arzaaqi sida uu u arzaaqo shimbiraha, waxay baxaan subaxdii igayoo gaajaysan, waxayna soo laabtaan galabkii iyagoo dheregsan.”
Tani waxay tusinaysaa in tawakulku yahay sir muhiim ah oo rizqiga lagu helo.
6. Ducada Joogtada ah
Ducadu waa hubka qofka mu’muinka ah. Qofka Alle si joogta ah uga barya inuu siiyo rizqi wanaagsan, wuxuu helaa fursado iyo barako.
Ducooyinka waxaa ka mid ah:
اللهم اكفني بحلالك عن حرامك وأغنني بفضلك عن من سواك
Ducada joogtada ah waxay qofka ku xidhaysaa Rabbigiisa, taasoo keenta rizqi barako leh.
7. Shaqo Daacad ah iyo Dadaal
Islaamku wuxuu dhiirigeliyaa shaqo iyo dadaal. Rizqiga ma aha wax lagu helo fadhi kaliya.
Nabiga ﷺ wuxuu yiri:
“Qofna ma cunin cunto ka wanaagsan tan uu ku kasbaday shaqadiisa.”
Shaqada waxay keentaa rizqi xalaal ah iyo sharaf.
8. Mahadnaqa Nimcada
Mahadnaqa Alle waa sabab kale oo keenta kordhinta nimcada.
Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri:
“Haddii aad mahadnaqdaan, waan idiin siyaadin doonnaa.”
Marka qofku uga mahadnaqo Alle waxa uu haysto, Rabbi wuxuu siiyaa nimcooyin kale.
9. Hijrada iyo Raadinta Fursadaha
Mararka qaar rizqigu wuxuu ku jiraa meel kale. Qofka u guura ama raadiya fursado cusub si sharci ah, Alle wuxuu u furaa albaabo cusub oo rizqi ah.
Qur’aanku wuxuu tilmaamay in qofka hijra u sameeya Alle dartii uu heli doono rizqi iyo balaadhin nololeed.
10. Ka Fogaanshaha Denbiyada
Denbiyadu waxay mararka qaar noqdaan sababta rizqiga loo xannibo. Marka qofku ka fogaado denbiyada oo uu toobad keeno, Alle wuxuu u furaa barako iyo nolol wanaagsan.
Culimada islaamka waxay sheegaan in denbigu uu keeni karo in maalka iyo nolosha barakada laga qaado.
Gunaanad
Rizqigu waa hadiyad ka timaada Alle (SWT), laakiin islaamku wuxuu ina barayaa in ay jiraan sababo iyo ficillo kordhiya barakada rizqiga. Taqwada, istiqfaarta, sadaqada, xiriirinta qaraabada, tawakulka, ducada, shaqada daacadda ah iyo mahadnaqa nimcada Alle waxay ka mid yihiin furayaasha rizqi badan keena.
Haddii qofku isku daro dadaal, akhlaaq wanaagsan iyo xiriir adag oo uu la leeyahay Rabbigiis, wuxuu heli karaa nolol leh barako, deganaan iyo farxad.
Ugu danbayn waa muhiim in qofku xasuusto in rizqiga dhabta ahi aanu ahayn oo kaliya lacag, balse uu yahay barako, caafimaad, iyo qalbi degan.